Dadka amniga siyaasadeynaya caruurtoodii aaway ? ( Faallo Qiirro Badan)

0
  1. jawaabtaan markaad hesho ayaad fahmi doonta meesha laguu wato iyo dhaqanka bahalnimada ah ee maalmahan socda.

Farmaajo, Mahad Salad, C/raxmaan Cabdi Shakuur ama Xasan Cali Kheyre midkoodna muhiim uma ahan amniga baahi badana uma qabaan oo gabigood baasaboor shisheeye ayey wataan, caruurtooduna waxey heystaan Nabad, Caafimaad iyo waxbarasho.

Cidda amniga u baahan waa adiga ku nool Somalia ee caruurtaadu dalka dhexdiisa wax ka bartaan kana shaqeystaan oo sidoo kale xanaaneya waalidkaa oo waayeel ah ama xanuunsan.

Kuwa xukunka haya iyo kuwa diidan midna haka qaadan amni xumo, midka xilka haya kula xisaabtan sababta ay amni daradu wali u jirto, midka mucaaradka ah marnaba ha ku raacin inuu amnidaradda buun buuniyo iyo inuu qal qal abuuro isagoo ujeedkiisu yahay inuu xil helo sababtoo ah adiga amniga ayaa kuu daran isna inuu xil helo ayaa u cad.

Baahi amni ka daran kama jirto Somalia, horey mucaarad waa u aragnay laakiin waa markii ugu horeysay oo aan aragno qolooyin iney amniga xumeyaan xeelad mucaarad u arka.

Nabad baan rabnaa

Cabdilahi Cismaan Faarax

You might also like More from author

Leave A Reply