Wasiiro Ka Tirsan DFS oo La Ogaaday In Ay Wataan Shahaadooyin Been Abuur ah!!!?

0
War lagu qoray Wargeyska New vision ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa lagu sheegay in la xiray jaamacadda stafford oo ku taala magaalada kampala kadib markii la ogaaday in shahaadooyin been abuur ah ka iibiyeen xubno ka tirsan Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaa la sheegay  in hadda xubno ka tirsan hay’adda dambi baarista Cid-da uganda ay su’aalo weydiinayaan maamulka jaamacadda stafford oo lagu eedeeyay inay iyagu sabab u ahaayeen inay shahaadooyin been abuur ah Soomaaliya usoo direen.
Ku dhawaad 79 shahaado oo been abuur ah ayaa la sheegay in jaamacaddaas ay Soomaliya usoo dirtay islamarkaana la siiyay mas’uuliyiin wasiiro ay ku jiraan kuwaasoo loo soo marsiiyay mid ka mid shirkadaha boostooyinka ee magaaldda muqdisho ka shaqeeya.
Sidoo kale waxaa la sheegay in qorshahaan ay fududeysay  jaamacadda jobkey ee ku taala magaaladda muqdisho ee caasimadda soomaliya, islamarkaana xiriir la leh jaamacadda stafford oo ku taala magaalada kampala.
Wargeyska New vision ee kasoo baxa dalka uganda  ma uusan shaacin tiradda iyo magacyadda wasiiradda soomaalida ah ee shahaadooyinka been abuurka ah laga iibiyay.
Lasoco goor dhow magacyada Masuulintaasi

You might also like More from author

Leave A Reply