Sheekh Mukhtaar Rooboow Oo Kashifay Sir Culus Oo Ku Aaddan Cidda Ka Dambeysay Weerarkii Zoobbe

0

Wadaadka caanka ah sheekh Mukhtaar Rooboow cali Abuu Mansuur ayaa si kulul kaga hadlay arrinta quseysa weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Zoobbe Muqdisho.

Sheekh Ayaa ku eedeeyay in ay qaraxa ka danbeeyeen kooxda al shabaab, inkastoo aysan sheegan qaraxaas haddana wuxuu ku tilmaamay in ay tahay fal wuxuushnimo ah oo ka baxsan banii aadamnimada.

“Meelaha waxaa laga leeyahay Black Water ayaa ka dambeyso, aniga shaqsiyan uma maleynayo in Black water ay keeni karaan qof is qarxinaya, dadka ka dambeeya ee farsamadan waa la yaqaan”

Qaraxaan oo ahaa kii ugu waynaa ebid ka dhaca dalka soomaaliya, sida ay sheegayaan dadka fallanqeeya siyaasadda Soomaaliya,  waxaana uu galaaftay in ka badan 270 qof iyadoona ay wali isa soo tarayaan Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ay ka dhashay qaraxii labo maalin ka hor ka dhacay isgoyska soobe ee magaalada muqdisho

You might also like More from author

Leave A Reply