Maxaa Ka Jira In Weerarkii Zoobbe Goob Kale Iyo Qof Kale Lala Damacsanaa?

0

Warar hoose oo aan heleyno waxa ay sheegayaan in ciidanka amaanka ay warqad u keeneen madaxda Hotel Saxafi ee Muqdisho, iyagoo u sheegaya in bartilmaameedka uu ahaa iyaga iyo xarunta dembi barista C.I.D.

Sidoo kale nabad sugidda waxa ay sheegeen xog ay heleen in lala damacsanaa taliyaha cusub ee ciidanka militeriga General Garood oo deegaan ahaan deggan hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaa u arka in uu ka qasaaray weerarkan maadaama aysan sheegan, haa waad is wayddiineysaa “dad badan ayeey ku dileen sidee bay u sheegtaan?” ma ahan kooxda Alshabaab mid ka baqata dilka shacabka, waxaana jirtay in ay horey u sheegteen weerarro waa wayn oo dad badan ay ku dhinteen, sidaa darteeda mar haddii ay sheegan waxa ay ka dhigan tahay sida ay sheegayaan khubarrada ku taqasusay arrimaha amaanka in ay tahay istaatiijiyadda, waxaana ay la damacsanaayeen weerarkan midkood Hotel Saxafi ama xarunta Dembi barista ee C.I.D. halkaas oo dhawr jeer oo horey la isku dayay in la qarxiyo.

Si kastaba ha ahaatee weerarkan ayaa ahaa mid kamid ah kuwii ugu dhiigga badnaa ee abid Soomaaliya ka dhaca, Alshabaab ayaan sheegan, balse dhibaatadii ay dhigeen in ay ka dhuuntaan cidna kama oggolaaneyso middaas sida ay sheegeen madaxda iyo siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaalida.

Istaatiiji ahaan goobta uu weerarka ka dhacay waxaa u badnaa garab rarato iyo masaakiin meesha ku ganacsaneysay, haddii ay doonayeen Hotel Safari waxa ay ahayd xilligaas xilli ay ka mashquul badan tahay in ay beegsadaan sida uu aaaminsan yahay khabiir arrimaha siyaasadda ka hadla oo inoo waramay.

Suurta galnimada ah in la weerarro Safari waa %40- lixdan ka kale ayaa ah in weerarkaas sidaas u xooggan lala damacsanaa Hotel Saxafi oo dhismo ahaan qaab adag loo sameeyay, keliya gaari noocaas ah uun lagu geli karo.

You might also like More from author

Leave A Reply