Xildhibaan Mahad Salaad:-“230 qof ayaa Ku Dhintay Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho”,

0
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in tirada dadkii ku dhintay qaraxii waxashnimada ahaa ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ay ka badan tahay 200 ruux.
Xildhibaanka oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii tagay Isbitaalada, ayaa sheegay in Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ay yaallaan meydadka 230 qof.
“Saakay waxaan tagnay Isbitaalada Madiina iyo Digfeer, aniga iyo Xildhibaano katirsan labada Gole ee Barlamaanka, Meydadka la geeyay labadaas hospitaal waa 230 qofood waxaana ilaa hada yaala oo meydadkooda la garan waayay 130 ka mid ah oo dhamaantood inta wada gubteen muuqaalkoodii doorsoomay”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Waxaa uu sheegay in dhaawaca illaa shalay la geeyay labadaas Isbitaal ay gaarayee 278 qofood, waxaana ilaa hada yaala oo aan la bixin 136 qofood oo 30 ka mid ah ay xaaladooda garaab yihiin.
Sidoo kale waxaa uu xusay inay jiraan isbitaalo kale oo iyagana dhimasho iyo dhaawac la geeyay oo aan tiradooda la ogeyn.
“Waxaa shalay meeshaas ka dhacay ma ahayn wax qof bini’aadam ah uu suurayn karo, Ilaahey ha u naxariisto intii dhimatay inta dhaawaca ahna ilaahey ha u booga dhayo”ayuu yiri Xildhibaanka.
Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale ayaa tagay Isbitaalada, iyagoo ka qeyb qaatay gurmadka loo sameynayay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, iyagoo dhiiggooda ugu deeqay dadka dhibanayaasha ah.

You might also like More from author

Leave A Reply