XOG CULUS: Sababta keentay iscasilaada Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyihii Ciidanka Xoogga?

0

Sida laga shaaciyay Kulankii maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkiisii iska casilay Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C.rashiid C/llaahi Maxamed kaas oo istiqaaladiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay wax yar un kaddib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.

Warar Hoose oo ay heleyso Warbaahinta ayaa cadeynaya in marka laga soo tago qodobada ay ku xuseen War Murtiyeedkoodii Hoggaamiyayaahsa Maamul Goboleedyada dalka ee dhawaan ku shiray Magaalada Kismaayo ay jiraan qodobo kale oo si hoose ay iskula gaareen oo ay ka mid yihiin in Hoggaamiye kasta oo ka tirsan Maamul Goboleedyada dalka uu dadaal ku bixiyo sidii ay isu casili lahaayeen ugu yaraan 2 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirkii Gaashaandhiga ee maanta Iscasilay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa ka mid ahaa Xubnaha Golaha Wasiirada ee ka soo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed oo uu majaraha u hayo Madaxweyne Shariif  Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale Hoggaamiyayaasha kale ee  Maamul Goboleedyada ayaa la tilmaamayaa in ay dadaal ugu jiraan in ay ku qanciyaan Wasiirada deegaanadooda ka soo jeeda in ay ku qanciyaan  si ay isu casilaan.

Hayeeshee dhinaciisa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre  ayaa Saacado ka hor Iscasilaadda Wasiirka Gaashaandhiga Munaasabadda ka dhaceysay Muqdisho hadal uu ka jeediyay ka muujiyay in dowladdu aysan wax wal wal ah ka qabin qorshayaasha lagu doonayo in lagu dumiyo isagoo cod dheer ku sheegay in hoggaanka dowladda haatan kuwii niyad jabi jiray oo kale.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in qofka hankiisu yahay in haddii aan dantiisa laga shaqeyn uu bur burinayo dowladda aysan dheg jalaq u siin doonin isagoo farriin ugu diray in danta shaqsi ay ka horreyso midda guud ee dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply