3-Waxyaabood Oo Sabab U Ahaa In Uu Is Casillo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

0

Goor dhaw waxaa warqad uu soo saaray isku casilay wasiirkii hore ee gaashaandhigga SOomaaliya mudane Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed kaas oo aan si cad loo ogeyn sababta ka dambeysa is casillaaddiisa.

Waxaan idin soo gudbin doonaa saddex sababood oo ku qasabtay in uu xilka iska casilo wasiir Cabdirashiid, waxaana kamid ah:-

  1. In Uusan Kalsooni Ka Heysan Beeshiisa

waxaan ognahay in uu kasoo jeedo beel waynta Raxan wayn, ha yeeshee  warar aan heleyno ayaa sheegaya in ay isqabteen reerkiisa sidoo kalena uu kalsooni badan ka waayay beeshiisa, maadaama uusan ahayn qof siyaasadda wax badan ku dhex jiray islamarkaana u qalma in uu noqdo wasiir gaashaandhig.

2 Cadaadiska Dhanka Dawladda Ah

Sidoo kale waxaa jiro warar sheegaya in ay is qabteen ra’iisul wasaaraha oo markii hore ba isaga keenay halkan, balse warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Kheyrre lagu qasbay in uu cadaadis saaro wasiirka, waxaana kamid ah dadkii cadaadiska ku qabtay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaali Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaas oo u arka in uusan Cabdirashiid u qalmin jagada loo dhiibay.

3 In Uu Saaxiib Dhaw La Yahay Shariif Xasan

Bilawgii soo xulidda wasiirrada, Kheyrre ayaa weji gabax kala kulman dhiggiisa Jawaari, kaddib markii laga diiday in wasiirrada loogu daro mudane Ex Wasiir Fargeeti kaas oo ay saaxiibbo ahaayeen; baddalka Kheyrre ayaa tixgeliyay dalabka Shariif Xasan oo watay Cabdirashiid, taasna ay keentay in Jawaari uu si kumeel gaar ah uu u hor istaago xukuumaddii Kheyrre.

Mar haddii la waayay saaxiibtinimadii Shariif Xasan ma jirto sabab kale oo lagu xishmeeyo ashkhaastii uu siyaaasadda xoogga ugu soo daray, taas ayaa sabab kale u ahayd in uu cadaadis badan dareemo kaddib uu xilka iska casillo.

You might also like More from author

Leave A Reply