Maggafe Caan Ah Oo U Dhashay Soomaaliya Oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

0

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa shaaca ka qaadday in Cusmaan Maxamuud oo ah 22 sano jir asal ahaan u dhashay dalka Soomaaliya kana tirsanaa wax ay Soomaalidu u taqaanno Maggafayaasha ayaa lagu xukumay xabsi daa’im ah, kaddib markii lagu helay eedeymihii loosoo jeediyay.

Waxaa lagu eedeeyay in jirddil badan u geystay Soomaali iyo qawmiyado kale oo usoo hijroonayay Yurub, isagoo katirsanaa kooxda madax furashada wayddiisata tahriibayaasha ee Maggafe.

Sannad kahor ayaa lagu qabtay magaalada Milano ee dalka Taliyaaniga, qaar kamid ah dadkii uu jirddilay ayaa ku dacweeyay dawladda Taliyaaniga, taas oo keentay in kiiskiisa maxkamadda sare ee magaaladaas loo gudbiyo.

Kaddib waxaa soo baxday in uu afar qofood Jilddil awgeed ay dartiisa ugu dhinteen, intii uu kamid ahaa kooxda maggafayaasha.

Maxkamadda ayaa shalay ku xukuntay madaxaa haku furto ama xabsi daa’im, kaddib markii uu caddeystay dembigii loo heystay ee ahaa in uu si xaq darro ah oo ay caddaawad ku dheehantahay ciqaabay masaakiinta Yurub u hijrooneysa.

You might also like More from author

Leave A Reply