Fadeexo Cod Sira oo laga duubay Xafiiska Ra’isulwasaaraha -Dacaayad iyo been abuurka Nadaara?

0

Fadeexan qaawan, ayaa soo wajahday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre, ka dib markii cod sir ah laga duubay La taliyaha Ra’iisal Wasaaraha ee Arrimaha Warfaafinta & Wecyigelinta, C/qaadir Cashar Nadaara.

Codkan oo 53 ilbiriqsi ah, ayaa waxaa laga maqlay La taliyaha Ra’iisal Wasaaraha oo nin joogga Magaalada Muqdisho ka dalbanaya in uu soo duubo codadka dad dhex joogga magaalada, misena uu ku qasbo in aay taageeraan khayre Iyo Farmaajo ka dibna lacag loo tuuro.

Waxaa la maqlayaa Wariye Nadaara oo leh joogto ayaan ku soo wacayaa, ee teleefankaygan miyaa EVC/kuu leh, si aan  kugu soo diro lacago laaluush ah.

Tani waxay weji gabax ku noqoneysaa Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre, waana markii ugu horeysay oo Sarkaal Xafiiska Khayre ka tirsan laga qabto cod ceynkani oo kala ah.

Xukuumadda Khayre, ayaa waxaa maalmahaanba lagu eedeynayay in ay ku mashquulsan tahay burburinta Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somaliya, xilli la’ogyahay in dhibaato badani laga soo maray Dhismaha Maamul Goboleedyada.

Mahaan Hoose ka dhagayso Codka laga duubay

You might also like More from author

Leave A Reply