Dhaqan Xumada Aan Ka Dhaxalnay Kacdoonkii 8-Febraayo (Qormo Xiiso Badan

0

Is tus tuska ayaa kusoo badaneysay siyaasadda Soomaalida tan iyo markii ay la wareegeen xukunka dalka Dawladda fadhiidka noqotay ee uu hoggaaminayo madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Waxyaabaha aan ka baranay dawladda cusub ee dhaqan xumada ah waxaa kamid ah in qof banii aadam ah oo baahi qaba inta la isku sawiro laga tago, waxna loo qaban, baddalka canaasiir yar yar oo ku hadasha afka Villa Soomaaliyana ay baraha bulshada kusoo qaataan ama u isticmaalaan sida qof wax loo qabtay oo kale.

Dhaqan xumidaas waxaa ka gilgishay fanaanka caanka ah ee Ilkacase Qays kaas oo hees dhan kasoo sameeyay, waxaana ay ahayd mid magaalada oo idil qabsata heestaas, dad badan ayaa ku baraarugay dhacdadaas.

Sidoo kale waxyaabaha aan fiicneyn ee aan ka baranay waxaa kamid ah in munaafaqeyn iyo in la muujiyo wanaag marka shacabka lala hadlayo gaar ahaan dhacdooyinka waa wayn marka la isla joogo.

Tusaalle in gacanta la isqabsado sidoo kalena la tibaaxo in la midoobay oo mid la yahay Soomaalina ay gacmaha isqabsadeen, waa filim cusub oo Kaartidadiisa markii ugu horreysay lagu soo dhajiyay shirkii kal hore ka dhacay magaalada London ee xarunta Ingiriiska halkaas oo maamulayaasha maamul goboleedyada ay ku kulmeen.

Sidoo kale dhawr jeer oo kala duwan ayaan aragnay arrintaas iyo kuwa lamid ah balse waa mid ay masuul ka yihiin Axmed MAdoobe iyo Farmaajo  kuwaas oo been u sheega dadka Soomaaliyeed.

Tixane ayeey ahaan doonaa qoraallada noocan oo kale ah kuwaas oo aan kaga hadleyno arrinta dhaqan xumida ah ee aan ka dhaxalney dawladda cusub.

You might also like More from author

Leave A Reply