HRW Oo Si Adag Ka Hadashay Dhiibistii Qalbi Dhagax?

0

Hay’adda u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlayso dhibaatada ay wajahaan qaxootiga Itoobiya ee ku sugan dalalka bariga Afrika.

Waxa ay sheegtey in Qalbi Dhagax uusan ku jirin liiska dadka argagixisada ah ee la dooon doonayo taasi micnahadeena uu tahay in uusan halis ku aheyn amaanka geeska Afrika iyo Gobalkaba sida ay horaan u sheegtay Dowladda Soomaaliya taasi badalkeeduna uu ahaa Mucarad diidan maamulka Itoobiya Dhulka ay ka heystaan Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in dhibaatooyiin ay la kulmaan qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah.

Warka waxaa lagu xusay in dadka caanka ah ee mucaaradka ku ah Itoobiya ee loo dhiibay maamulka Addis ay ka mid yihiin kuwa haysta dhalashooyiinka dalal Reer Galbeed ah.

Dadkaasi waxaa ku jiray nin dhalasho British haystay oo lagu qabtay Yaman iyo qof kale oo lagu qabtay South Sudan oo dhalashada Norway haystay.

You might also like More from author

Leave A Reply