Muxuu Gudoomiye Jawaari ka yiri guuxa aan xalka loo helin ee weli ka taagan arrinta Qalbi Dhagax?

0

Arrinta C/kariin (Qalbi-dhagax) oo muran badan ka dhex dhalisay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxa ay tahay mid taagan oo aanan loo helin xal kama dambeys ah.

Shacabka Soomaaliyeed oo qaarkood arrintan iyaguna ku kala qeyb samay ayaa waxa ay dalbanayaan in la raaco go’aankii Xukuumadda, oo aanan dib loo soo laaban, halka qaar kalena ay ku baaqayaan in Baarlamaanka uu Xukuumadda kula xisaabtamo kiiska (Qalbi-dhagax).

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in ay maqleen guuxa shacabka, arrintanna looga baahan yahay in ay ugu dambeeyaan Baarlamaanka.

Wuxuu ka dalbaday Guddoomiye (Jawaari) Shacabka in ay guryahooda si nabad ah ku joogaan, kuna kalsoonaadaan Xildhibaanada iyo Golaha Wasiirada, si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabadda dalka.

“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan mar labaad aan ku celiyo, waan idin maqalnay, Gole ayaan leenahay, kuna kalsoonaada Wakiiladiina, xasiloonida hala ilaaliyo.” Ayuu yiri Jawaari.

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u saaray inay ka soo tala bixiyan dood adag, oo shalay ay Xildhibaanadu ka yeesheen wareejintii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) iyo go’aankii Xukuumadda.

You might also like More from author

Leave A Reply