Gudoomiyaha Gobalka Ahna Duqa Muqdisho Taabid oo magacaabay Qasnajiga Gobolka, Wareegto?

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa magacaabay Qasnajiga Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabay Xamdi Cali Nuur in ay noqoto Qasnajiga guud ee Dowladda hoose ee Muqdisho.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha uu xil magacaabistan ku sheegay in ay tahay talo soo jeedin uu ka helay ku xigeenkiisa maamulka Malaiyadda oo ah Maluuka Xaaji Dheere.

Magacaabistan waxaa ay timid kaddib markii maalin ka hor ku xigeenka Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir Maluuka Xaaji Dheere ay shaqadaas ka joojisay C/Raxiin Iimaan Jimcaale.

You might also like More from author

Leave A Reply