Marka Uu Muqdisho Kasoo Dago Abuu Mansuur, Waa Kuma Shakhsiga Ugu Horreeya Ee Ay Wada Kulmayaan?

0

Ra’iisul wasaare Kheyrre ayaa telefoonka gacanta kula hadlay dhiggiisa Shaariif Xasan Sheekh Aadan, si uu uga dhaadhiciyo in magaalada Muqdisho xilli hore oo maanta ah la keeno Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo dawladda isku soo dhiibay.

Kheyrre ayaa noqon doona qofka ama mas’uulka ugu horreya ee lala kulansiin doono marka uu garoonka Aadan Cadde kasoo dago Abuu Mansuur Rooboow, maadaama uu la hadlay Shariif Xasan oo hadda lasoo socdo.

Diyaaraddii soo qaadi lahayd Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur ayaa laga diray magaalada Muqdisho, waxaana ay kasoo kici doonta xilli hore oo galabta ah magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Wararkii kusoo kordha Halkana nagala soco.

You might also like More from author

Leave A Reply