13-Wasiir Oo Hirshabelle Ah Oo Is Casilay Iyo Maamulka Cosoble Oo Liiq Liiqanaya

0

Kudhawaad 13-wasiir iyo wasiir kuxigeeno katirsan maamulka Hirshabeelle ayaa iska casilay, xilka ay ka hayeen xukuumadda Cosoble.

Cadaadiska ayaa kusii kordha Madaxwaynaha maamulkaas, maadaama mooshin isaga ka dhan ah la waday maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiirrada is casilay ayaa ku eedeeyay in aysan u dulqaadan karin dhibaatada uu hayo madaxwayne Cali Cosoble, kaas oo ay saluugsan yihiin xildhibaannada iyo wasiirrada maamulkaas.

Lama oga tallaabada xigta ee ay qaadayaan wasiirrrada iyo xildhibaannada gadoodsan maadaama gor gortan ba ay ka bilaabeen in ay iscasilaan.

Siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay arrinta quseysa khilaafka u dhaxeeya maamulkaas iyo xildhibaannadiisa, oo hadda u gudbay golaha wasiirrada.

You might also like More from author

Leave A Reply