Farmaajo Mise Qof Kale:- Waa Kuma Mas’uulka Ugu Horreeya Ee Uu La Kulmayo Abuu Mansuur? (Xog Daahsoon)

0

Warar hoose oo laga helayo magaalada Baydhabo waxa ay sheegayaan in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku wajahan yahay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Saakadii hore ayeey xaqiijiyeen maamulka Koonfur Galbeed iyo midka dawladda ba in wadaadkii ay shabaab baacsanayeen ee ABuu mansuur uu isku soo dhiibay dawladda, loona kaxeeyay dhanka degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Shariif Iyo diyaarad hub sida ayaa u duulay dhanka iyo Xuddur, waxaana ay la kulmi doonaa marka ugu horreysa Abuu Mansur oo xilligaas saxaafadda loo soo bandhigayo.

Qofka ugu horreeyay ee mas’uul xil haya uu la kulmayo Abuu Mansuur waa madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaas oo sidoo kale dadaallada lagu so badbaadinayay Abuu Mansuur qayb libaax leh ka qaatay.

You might also like More from author

Leave A Reply