Waa Maxay Ujeedka Ugu Wayn Ee Ay Alshabaab U Weerareen Abuu Mansuur?

0

Alshabaab ayaa maalinkii afaraad qoraxda ay usoo baxday iyagoo weerar ku ah Wadaadkii hore ee kooxdaas Mukhtar Rooboow Abuu Mansur.

Dagaal aan loo kala harin oo u dhaxeeya maleyshiyada Abu Mansur iyo Kooxda Shabaab ayaa weli socda, balse ujeedka ugu wayn ee kooxdaas waxa ay tahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Abu Mansur oo gacan ka helaya maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Haddii hawl galkoodaan ay ku guuldarreystaan kooxda Alshabaab islamarkaana uu ka badbaado Abu Mansur waxa ay ka dhigan tahay in Abu Mansuur weli leeyahay cuddud iyo xoog uu kusii ahaado hoggaamiye Kooxeed, inkastoo uu hadda dawladda isku dhiibay.
Ujeeddka waxa uu yahay in aanu fakan isagoo haya sirta kooxdaas, oo uu kasoo noqday Amiir kuxigeenka iyo afhayeenka kooxdaas ba wakhtiyi kala duwan.

You might also like More from author

Leave A Reply