Wasiir Yariisoow Oo Isku Qalday Murusade Iyo Abgaal,(Akhriso Abaal Dhaca Uu U Geystay Beeshiisa)

0

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Somalia, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa albaabada ka xirtay waxgaradkii iyo siyaasiyiintii heyb wadaaga ahaayeen, isagoona taas badalkeeda soo dhoweystay waxgaradka iyo siyaasiyiinta dhalasho ahaanta ay wadaagaan ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sida ay shaaciye.com u xaqiijiyeen odayaal dhaqameed iyo xubno ka tirsan baarlamaanka oo kasoo jeeda beesha Mudullood, ayaa sheegay in wasiir Yariisow uu sidoo kale hor istaagay balan ay lahaayeen odayaal kasoo jeeda beesha uu ka dhashay ee Mudullood oo ra’iisul wasaaraha ay balansanaayeen,  wuxuuna amray in aan loo gudbin odayaashaasi xafiiska Kheyre.

Tallaabada iyo hab-dhaqanka wasiirka uu kula kacay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha uu ka dhashay ayaan la ogeyn, iyo sababta ku kaliftay inuu u dhega nuglaado waxgaradka beel wadaagta yihiin ra’iisul wasaare Kheyre.

Siyaasiyiin, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale ayaa hab-dhaqanka Yariisow aad  ugu carooday, waxayna garan la yihiin wax ay ku micneeyaan tallaabadaasi uu ku dhaqmayo wasiirka.

Waxaa la ogyahay in Wasiir Yariisoow ay saaxiib ceesh wadaag yihiin xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ah joker awood badan ku dhex leh xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla markaana ku heyb ah ra’iisul wasaaraha.

You might also like More from author

Leave A Reply