Mooshin Laga Diyaarshay Madaxweynaha Hirshabeelle Iyo Qodobo Halis ah oo lagu eedayay?

0

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle waxaa’  halkaasi gaaray labadii maalin ee lasoo dhaafay Xildhibaano tiro badan oo katirsan maamulka Hirshabelle, kuwaa oo badankood ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan ayaa hada ku mashquulsan diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay ku eedeeyeen in uusan waxba qaban howlo aan maamul;ka iyo shacabka Hirshabelle dan ugu jirina ku mashquulsan yahay.

Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanadan ayaa inta badan ka careesan Deegaano uu dhawaan degmooyin ka dhigay Madaxweynaha Hirshabelle oo kuyaala gobolka Hiiraan, waxa ayna Xildhibaanada tilaabadaasi ku tilmaameen mid lagu deg degay.

Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in Madaxweynaha markii hore qaati kaga taagnaayeen digreeto uu dad ku magacaabayo hadana uu ku darsaday in deeganao uu degmooyin ka dhigo isaga oon la tashi ka sameyn.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan in muhiim tahay in xiligan isbadal la sameeyo si loo bad baadiyo maamulka Hirshabelle, waxa uuna intaa raaciyay in isbadalka ay doonayaan aysan ku farxi dooni Madaxda Hirshabelle sida uu tilmaamay.

Magaalada Jowhar ayaa hada laga dareemayaa xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan, waxaana magaalada wali ku aruuraya Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle kuwaa oo dar dar galinaya diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxwenaha Hirshabelle.

You might also like More from author

Leave A Reply