Midowga Afrika oo Boolis u tababaraya Hirshabelle iyo Labada Gobol oo loo kala badiyay sadbursi?

0

Howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in Ciidao Boolis ah uu u tababarayo maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Booliska ah ayaa tiradooda lagu sheegay 1,000 Askari, 600 oo ka mid ah waxaa ay ka iman doonaan Magaalada Baladweyne,halka 400 oo kalena ay ka iman doonaan magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

“AMISOM,waxaa ay sii wadi doontaa,tababariidda,dib u dhiska,Qalabeynta iyo diyaarinta Booliska Soomaaliya,waana shaqo naga go’an ka AMISOM ahaa,waxaa kale oo aan hagaajineynaa xarumaha Booliska sida Saldhigyada iyo guryaha Saraakiisha ,si loo gaaro hadafka aan halkaan u joogno”,sidaas waxaa yiri Chikunguru Maxwell oo ah isku xiraha Booliska AMISOM.

Waxaa uu sheegay in Tababarkan uu sare u qaadayo xirfadaha Askarta Booliska ah,oo ay ka mid tahay in la sugo nabad gelyada Dadka Soomaaliyeed,baaritaannada dambiyada fud fud iyo waxii la mid ah .

Maxwell ‘ waxaa uu ka hadlayay socdala labo malain qaatay oo ahaa sahan lagu sameynayay Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,si loo sahmiyo Leyliga Booliska Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply