Qabiilkee Buu Kasoo Jeedaa Shakhsigii Isku Qarxiyay Xabsiga Dhexe? (Sir Culus)

0

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Xuseen Cismaan oo shalay ka badbaaday isku day isqarxin ah oo ka dhacday gudaha xabsiga dhexe ayaa u sheegay warbaahinta, in shakhsiga isqarxiyay uu ahaa askari ka tirsan dhallinyarada dhawaan dhiibboowga ugu jirtay xeradaas si ay u noqdaan ciidanka Asluubta.

Taliyaha ayaa sheegay in heyb ahaan uu ahaa qof kasoo jeeda beesha Daarood, gaar ahaan Dhulbahante, islamarkaana uu dhawaan uun magaalada soo galay.

Qarax xooggan ayaa shalay oo Jimco ahayd ka dhacay meel u dhaw masjidka xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, warar hoose-na waxa ay sheegayeen in lala damacsanaa taliyaha ciidanka Asluubta qaranka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Xuseen Cismaan.

Hoos Ka Daawo Xog Ku Saabsan Qaraxaas.

You might also like More from author

Leave A Reply