AKHRISO:- Mid Kamid Ah Wasaarradaha Soomaaliya Oo Ay Waajib Tahay In Aad Sheegto Qabiilkaada Iyo Jufadaada Haddii Aad Shaqo Doon Tahay (Caddeymo Layaab Leh)

0

Horay uguma jirin sharciga shaqaalle qaadashada hey’adaha dawladda in qofka marka uu foomka buuxinayo uu kusoo daro qabiilkiisa, qabiil hoosaadkiisa, jufadiisa iyo wax lamid ah.

Wasaarradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka dawladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shaqaalo qaadasho cusub, oo ay wasaaraddaas shaqaalle ku qaadaneyso, hasa yeeshee waxaa la yaab iyo fajac uu dhacay markii foomka buuxinta araaji qabashada lagu arkay, in qofka ay waajib tahay in uu sheego qabiilkiisa, qabiil hoosaadkiisa, iyo jufada ugu dambeysa ee uu ka yahay qabiilkaas.

Ma ahayn heer iyo istaandhar Shaqaallaha Soomaalida lagu qaato, tanise waxa ay tahay dhibaato cusub iyo musuq cusub oo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ay sameynayso.

Dad badan ayaa dib uga gurtay marka ay arkeen in sheekada lagu xayn dhaabayo qabiil iyo jufo hoose, maadaama ay shaki badan ka qabeen marka hore suurta galnimada ay shaqadaas ku helayaan,

Hoos Ka Akhriso Foomka rasmiga ah ee ay wasaaradda soo bandhigtay

Foomka Arjiga

You might also like More from author

Leave A Reply