Madaxwayne Farmaajo Oo U Hambalyeeyay Dhiggiisa Kenya

0

MAdaxwaynaha SOomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta kaddib guushii muhiimka ahayd ee uu kasoo hoyay doorashadii dalkaas.

Farmaajo ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday muhiimadda ama shakhsi ahaan qofka uu yahay Uhuru, wuxuuna sheegay in uu hoggaamiye wanaagsan ahaa, sidoo kale saaxiib dhaw ay ahaayeen,

“Ma ahayn saaxiib keliya, sidoo kale waa hoggaamiye dabiici ah, waxa aan leeyahay Hambalyo madaxwayne,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.

Kenyatta ayaa markale kusoo noqday State House-ka laga maamulo dadka Kenya, kaddib markii uu garaacay Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga, kaas oo markale khasaaro la kulmay.

You might also like More from author

Leave A Reply