Alshabaab Oo Soo Bandhigay Geel Ay Diyaaradaha Kenya Duqeeyeen Iyo Sheeko Xanuun Badan

0

Sida aan ka soo xiganay warbaahinta Alshabaab afkeeda ku hadasha ee Andalus, diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa dilay 9-neef oo geel ah, agagaarka degmada Af-Madoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Degmada Weel Maaroow oo dhawr mitir u jirta degmada Af Madoow  ayeey ku dhaqnaayeen geellaas la laayay, sida ay sheegayaan warbaahinta Alshabaab.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay arkeen maydadka geellaas oo siyaabo kala duwan ugu geeriyooday duqeyntii diyaaradaha dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaate dawladda Kenya ayaa duqeyn joogto ah ka geysatay gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka oo ay Alshabaab ku badan yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply