DEG DEG:- Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho

0

Muqdisho warar hadda naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in uu qarax khasaaro geystay ka dhacay agagaarka Misaajidka ku yaalla xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Gadiidka gurmadka deg degga ah ee Ambalaasta ayaa qaadday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, dhawaan ka dhacay gudaha xabsiga dhexe.

Xilliga uu qaraxa dhacayay waxa ay ku beegneyd wakhtiga salaadda Jimco ee xilliga geeska afrika, saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in qaraxaas uu ahaa mid aad u wayn oo qof isku qarxiyay.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya saacado yar kaddib markii ay xalayto uu qarax wayn ka dhacay waddada Makka Al Mukarramah ee magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa.

You might also like More from author

Leave A Reply