Ciidamada Dowladda oo baaritaano ka sameeyay degmo Ka Mid ah Muqdisho Iyo Xog dheeriya oo laga Helay ?

0

Ciidamada Xasilinta Magaalada Muqdisho ayaa xalay baaritaano xoog leh ka sameeyay Xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile waxaana lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo halkaasi ku noolaa.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta  u sheegay in Ciidanka ay baarayeen Gaadiidka iyo dadka iyagoo indhaha ka xeray dhalinyaro badan Baaritaan dheer kadibna la sii daayay qaar ka mid ah dhalinyaraadaasi.

Xaafadda Oodweyne degmada Deyniile ee gobalka Banaadir ayaa hore loogu dilay Gudoomiye waaxeedkii Xaafadaasi iyadoo ka dib dhowr jeer madaafiic laga soo riday ay waxyeelo gaarsiiyeen dad Shacab ah.

You might also like More from author

Leave A Reply