Dalka Kenya Oo Qarka U Saaran In Uu Dagaal Sokeeye Lugaha La Galo Kaddib Doorashada, Haddii Ay Dhacdo Hal Arrinta (Akhriso)

0

SIda hadda socota cod tirinta doorashada dalka Kenya, madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa ku sareeya, taas oo natiijo  ahaan si hor dhac ah loo sii saadaalinayo in uu ku guuleeysan doono haddii ay sidaan kusii socoto.

Durba hoggaamiyaha Mucaarradka Raila Odinga ayaa qaaddacay natiijada hor dhaca ah ee doorashada dalka Kenya, isagoona sheegay in aysan ahayn wax caddaalad uuna tuhmayo gacan bidixeyn iyo musuq aad u baahsan.

Haddii go’aanka Raila loo eego sida ay wax u socodaan, sheekada waxa ay noqoneysaa in haddii uu Uhuru guuleeysto Raila uu dawladdaas iyo doorashadaas ba wax kama jiraan uu kasoo qaadi doono, taas oo keeneysa in dagaal sokeeye oo lamid ah kii dhacay 2007 uu dalkaas ka dilaaco sida la sii saadaalinayo.

Raila ayaa qabiil ahaan kasoo jeeda qabiil aad u awood badan oo tiro ahaan iyo tayaba aad u sareya, haddii uu go’aansado qaaddicidda  natiijadan hor dhaca ah waxa ay ka dhigan tahay in Kenya ay durba qalalaaso iyo fawdo ka dhalaneyso, waxana middaas caddeyn buuxda u ah in horaanba looga qaxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, cabsi laga qabo natiijada doorashada ka dhalata.

You might also like More from author

Leave A Reply