Guddoomiyihii Cusbaa Ee Baarlamaanka Soomaaliland Oo La Dhaawacay

0

Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada maamulka Soomaaliland Baashi Maxmed ayaa ku dhaawacmay sida ay sheegayaan warar ay soo xiganayaan warbaahinta Hargeysa.

Shaqaaqad yar ayaa ka dhex bilaabatay gudaha hoolka xarunta baarlamaanka, waxaana xabbad ku dhex riday mid kamid ah ilaallada xildhibaannada oo kamid ahaa askartii ay u suurta gashay in ay gudaha .

Xabbad yar ayaa ku dhacday sida ay sheegayaan, balse Booliska ayaa ku guuleystay in ay xabsiga u taxaabaan askariga xabbadda riday, sidoo kale waxaa la xiray qaar kamid ah xildhibaannada maamulkaas, iyo sidoo kale shakhsiyaad caan ah.

Dood xooggan ayaa ka jirtay maalmihii lasoo dhaafay golaha wakiillada maamulkaas, maadaama uu diiday musharaxii lagaga guuleeystay guddoonka baarlamaanka, uuna sheegay in uu isaga yahay qofka saxda ah ee maamulkaas, taas oo keentay xitaa in ay gacanta iskula tagaan.

You might also like More from author

Leave A Reply