Taabid “Maqaamka magaalada Muqdisho waa mid Dastuuri ah oo Baarlamaanka hor-yaalo”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay inuu Dastuuri yahay maqaamka magaalada Muqdisho oo uu hor-yaalo baarlamaanka, isagoo xusay inuu talo bixin lagu sameyn doono mataaladiisa siyaasadeed ee dalka.

Hadalkan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka jeediyay shir loogu magac daray Aragti wadaaga Hiigsiga Caasimdda oo uu shalay ka furay Xarunta Aqalka dowladda Hoose, waxaana ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in Barnaamijkan looga dan leeyahay in Bulshada Gobolka Banaadir Aragti ku yeeshaan Howlaha Shaqo ee Maamulka uu ka wado Magaalada.

“Waxaa hubaal ah in maqaamka magaalada Muqdisho uu dastuuri yahay, oo uu Baarlamaanka hor-yaalo, taas waa wax marag doonta ah ugu dambeyn waxaa rajeyneynaa in aragtida la uruuriyay iyo nidaamka jidka ay leedahay inaan marsiino”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Sidoo kale Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in bur burkii kaddib ay magaalada Muqdisho yeelaneyso weji Soomaaliyeed, isagoo xusay inay doonayaan sidii ay taas ku xoojin lahaayeen in la helo mataaladii siyaasadeed.

You might also like More from author

Leave A Reply