XOG: A/Madoobe & DENI oo Cadaadis xooggan ku wajahaya Muqdisho

Iyada oo aan weli wax heshiis ah laga gaarain arrimaha doorashada Soomaaliya ayaa waxaa socda dadaalo ay wadaan wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Kulamo kala duwan ayay Wakiilada Beesha Caalamka la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland, iyaga oo ku cadaadinayay in heshiis laga gaaro doorashada.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii heshiis looga gaari lahaa doorashada, sidoo kale la isugu keeni lahaa Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland ayaa soo bandhigay shuruudo uu ku qabsoomi karo shirweynaha wada-tashiga doorashooyinka, hayeeshee qaarkood ay ku adkaatay fulinteeda Villa Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in ay kulan yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland si ay uga wada hadlaan qabsoomida shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.