KASHIFAAD: Guuleed oo kashifay Qorshe uu kA Doonayo Doorashada oo laga diidan yahay

Go’aanka guddoonka Aqalka Hoose ee baarlamaanka uu xayiraada ugu soo rogay 15-ka Xildhibaan Golaha Shacabka waxay caddeyneysaa in Farmaajo uusan rabin doorasho, xorriyad iyo dimuqraadiyad, sidda uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Sahan oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sidoo kale wuxuu ku eedeeyay guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxman, in uu baalaray shuruucda u taala dalka.

Sidda laga soo xigtay Guuleed, mudaneyaasha laga mamnuucay 5-ta kulan soo aadan ee Golaha Shacabka waxaa kaliya loo beegsaday in ay diideen muddo kororsi loo sameeyo Farmaajo.

Farmaajo oo doonaya in dib loo doorto ayaa ku dhowaad laba bilood xaiska jooga isaga oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falka lagu doonaya in 15 Xildhibaan ah looga joojiyo ka qeybgalka fadhiyada golaha shacabka, ayadoo sabab looga dhigayo inay muujiyeen dareenkooda iyo kirkooda ay kaga soo horjeesteen muddo kordhinta sharci darida ah ee loo sameynayo Farmaajo,” ayuu Guuleed daabacay.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Runtii arintani waxay si cad u muujineysaa inuusan Farmaajo dooneynin doorasho, xoriyad iyo dimuqoraadiyo intaba”.