Maxaa ka soo baxay kulankii gaarka ahaa ee Madaxda M/goboleedyada?

Kulamo saacado badan qaatay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay Madaxweynayaasha Maamulada, Puntland, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kulamadaas oo ay uga hadlayeen arrimo la xiriira khilaafka doorashada.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay dadaal ku bixinayeen in Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay ku qanciyaan inay ka soo qeyb galaan kulanka weyn ee Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ee lagu saxiixayo laguna dhameystirayo heshiiska doorashada.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Saddexda dowlad Goboleed ay ku qanciyeen Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland inay ka qeyb galaan kulanka Guud Maalinta Talaadada ah si looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka jira.

Wararka kale ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay dalbadeen in la qanciyo Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha & Gudoomiyaha Aqalka Sare, taas oo keentay in Kulankii Madaxda dowlad Goboleedyada ay ku biiraan Midowga Musharixiinta.

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in Madaxda dowlad Goboleedyada ay la kulmaan guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi si loo qanciyo, waxaan sidoo kale Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Doorashada Soomaaliya ayaan weli heshiis rasmi ah laga gaarin, waxaana Beesha Caalamka ay weli wadaan dadaalo ku aadan sidii la isugu keeni lahaa saamileyda siyaasadeed ee dalka si loo aado doorasho.