Kooxo hubeysan oo askar ku laaysay Muqdisho & Meydad waran isgoyska..

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa saakay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku toogtay saddex askari oo ka tirsan ciidnka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askarta la dilay ayaa kamid ahaa ciidankii amniga ee ku sugnaa Kontaroolka, waxaana dilay koox Bastoolado ku hubeesnaa oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa goobta falka uu ka dhacay gaaray, waxayna qaadeen meydka saddexda askari kuwaas oo la geeyay xarunta CID-da.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka, inkastoo Al-Shabaab ay fuliyaan falalka noocaan oo kale ah.