KASHIFAAD: Beesha Caalamka oo Culeys saareysa Madaxda Federaalka & D/Goboleedyada.

Wakiilada kala duwan ee Beesha Caalamka ayaa joogteeyay warsaxaafadeedyada is daba-joogga ah oo ay uga hadlayaan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan muranka sababay khilaafka hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka lagu heshiiyay 17-kii September 2020.

Beesha Caalamka ayaa adeegsaneysa ereyo culus oo mararka qaar u muuqda canaan, hanjabaad & wax tilmaameed, inta badan waxaa lagu xusaa Magacyada Mas’uuliyiinta Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo khilaafka xuddun u ah.

24-kii saacba mar waxaa soo baxaya warsaxaafadeed ka imaanaya wakiilada Beesha Caalamka, waxaana ka badan qoraallada loo dirayo Madaxda Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday iyo kuwa Gobollada ee hoostaga si meesha looga saaro hubanti la’aanta Doorashada.

Midowga Yurub, Midowga Afrika, Safaaradda Mareykanka, Qaramada Midoobay & dalal kale waa kuwa joogtada ah ee qoraallada luuqadda adag ku qoran soosaara una dira dhinacyada wada-xaajoodkoodu aan ka dhammaan xujada aan xalka lahayn.

Bal eeg qoraalkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Midowga Yurub Talaadadii oo isugu jiray Canaan & Hanjabaad, waxaaana hogaamiyaasha Soomaalida, gaar ahaan “kuwa wiiqaya” wadahadallada doorashooyinka, in ay la kulmi doonaan cawaaqib ka dhasha ficilladooda.

War saxaafadeed xalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay sameeyaan isu tanaasul horseeda hannaan doorasho oo deg deg ah iyo in si nabad ah talada loogu kala wareego iyadoo la raacayo heshiiskii 17-ki September.

Midowga Yurub ayaa sheegay, in isfaham la’aanta hadda ka dhex-jirta hogaamiyaasha Soomaalida ay si weyn dib ugu dhigeyso xawaaraha isbaddalka ay sida dhaqsaha ah ugu baahanyihiin dadka Soomaaliyeed.

“Kuwa wiiqaya wadahadalka ama miciin bida in ay adeegsadaan qalalaaso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo, waxaya wajahi doonaan cawaaqib ku aadan ficilladooda” Ayuu lagu yiri warka Talaadadi shalay kasoo baxay Midowga Yurub.

Safaaradda Mareykanka ayaa todobaadkii tagay sheegtay in aysan dhici doonin kala tag ku yimaada wadahadalka socda, keliya madasha lagu kala dareeri karo marka la saldhigo doorashooyinka Soomaaliya.