DEG DEG: Shir Xasaasi ah oo hadda ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in hada madaxtooyada Soomaaliya shir uga socdo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey James Swan.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha hortaagan doorashada iyo shirka la filaya inuu Muqdisho uga furmo madaxda maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa diidan shirka loogu baaqay ee Muqdisho ka furmaya.