DEG DEG: Qarax Xooggan oo goordhow ka dhacay Muqdisho

War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Jugta Qarax Xooggan laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, kaas warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Heliwaa gaar ahaan Xeela Bariise, waxaana sida wararka aan ku helnay lala beegsaday mas’uul guddoomiye waaxeed ka ah deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho.

Hal Askari ayaa ku dhaawacmay sida ay ii sheegeen saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya waxa uuna ahaa miino dhulka la geliyay.