Jubbaland oo shuruud adag ku xirtay ka qeyb galka shirka Muqdisho ka dib dagaalkii shalay

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubb aland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in Jubbaland ay muhiim tahay inay shirkaasi ka qeyb-gasho, hayeeshee haatan aysan muuqan wadadii ay uga qyeb-geli laheyd.

Waxaa uu si cad u sheegay in ay qiimeyn doonaan xaalada Magalada muqdisho oo saacadihii la oo dhaafay ay  ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda &  kuwa taageersan Midowga Musharixiinta.

Warkan kasoo yeeray Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu dib u dhacay shirka wadatashiga doorashooyinka, kaas oo qorshuhu ahaa in uu Muqdisho ka furmo 18-kii B ishaan.