Khasaaro ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay qarax Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda lagula eegtay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan AMISOM xilli ay ku socdaalayeen wadada u dhaxeysa degaannada Danoow iyo Golweyn ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa jugta qaraxa, sidoo kale qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan la xaqiijin khasaaro kasoo gaaray dad Shacab ah.

Al-Shabaab  ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, waxaana warar ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen laba askari oo ka tirsan AMIOSM.

Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM weli kama hadlin qaraxa Ciidamada AMISOM lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee dhowr jeer ayaa sidaan oo kale qarax lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamo ka tirsan AMISOM.