Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay wadda xariirisa degaanada Qoryooleey iyo Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Howlgalkaan oo ahaa Mid Qorsheysan ayaa Saraakiisha hoggamineysay waxaa ay sheegeen in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jira Saraakiil & Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kusugna tuulooyin xariiriya Janaale iyo Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgal gaar ah ay Ciidanka Danab ka fuliyeen wadada udhexeeysa Janaale iyo qoryooleey ee gobolka Shabellaha Hoose
Jeneraal Odowaa waxa uu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jira Saraakiil & Xubno ka tirsan Al-Shabaa Al-Shabaab islamarkaasna uu howlgalka socdo.
Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa inta badan waxaa ay howlgallo gaar ah ka fuliyan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegaan inay dileen Saraakiil & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.