XOG: Golaha Wasiirada oo Maanta la horgeynayo Safiiro Cusub

Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa inay yeeshaan kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo Arrimo dhowr ah.

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya la horgeyn doono 15 Safiiro Cusub ah si ay u ansixiyeen ama u diidaan.

Todobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa la horgeeyay 12 Safiir, hayeeshee ay diideen, kadib markii Wasiirada qaarkood ay sheegeen in Safiirada Cusub aysan waafaqsaneyn qaabka awood qeybsiga ee 4.5.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaar kamid ah Safiirada Cusub ee la Magacaabay ay ka yimaadeen dowlad Goboleedyada qaarkood, kadib wada-hadalo hoose oo dhexmaray Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Magacaabida Safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli lagu guda jiro waqti doorasho oo aan weli la isku fahmin, iyada oo la sheegay in sababaha xilligaan Magacaabista Safiirada ay tahay in la isaga yareeyo culeys siyaasadeed oo heysta dowladda Madaxweyne Farmaajo.