XOG: Cali Guudlaawe oo qarka u saaran inuu xilka isaga tago+(Labo daran mido dooro)

Madaxweynaha Doorashadiisa ay muranka badan hareeysay ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hadda dhex ka taagan isgoys melena uusan uga dhaqaaqi Karin oo ku aadan mustaqbalkiisa siyaasadeed, maadaama uu xiriir dhow la leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne ee ku heybta ah ayaa madaxweyne Cali Guudlaawe ku cadaadinayaa inuu qaadaco go’aankii xukuumadda ay Doorashada in la guda galayo ugu dhawaaqay, waxaana arrintaas ka biyo diidan Cali Guudlaawe oo ka baqayo in xilka laga rido.

Sidoo kale, Cali Guudlaawe ayaa culeys siyaasadeed oo xooggan ka heysto maamulkiisa gaar ahaan reer Hiiraan oo diiday inuu Kursiga ku fariisto, maadama uu ku yimid Doorasho boob ah.

Wuxuu madaxweynaha Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo uu kala hadlay arrimaha Doorashooyinka tabashada jirta.

Waxa kale oo diirada lagu saaray arrimaha ka taagan deegaanada HirShabeelle, gaar ahaan xiisada ka dhalatay doorashadii uu kusoo baxay madaxweynaha maamulkaas, Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle uu qeyb ka noqday qorshe ay dowladda federaalka ku rabto doorasho aan loo dhameyn, midaas oo si rasmi ah ugu dhawaaqay ra’iisal wasaaraha dalka.

Xiisada ka taagan hanaanka doorashada dalka ayaa kasii dartay kadib markii dowladda federaalka oo taageero ka helaysa maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqday qabashada doorashada, midaas oo uu muran xoogan ka taagan yahay.