Shir Xasaasi Ah Oo U Socda Musharixiinta Mucaaradka Ah

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shir Albaabada u xiran yahay oo xalay midowga musharaxiinta ay ku yeesheen Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas ka qeyb galay inta badan musharaxiinta mucaaradka ah.

Shirka oo saacado qaatay ayaa waxaa looga arrinsaday arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo iyo marxaladda kala guurka ah, waxaana si gaar ah looga hadlayaa caqabadaha hortaaggan in ay dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay loona wada siman yahay.

Sidoo kale waxaa shirka dibad joog ahaa warbaahinta sida wararka qaar sheegayaan, loomaan oggola warbaahinta madaxa bannaan ay goobjoog ka noqdaan, iyadoo shirku uu yahay mid xasaasi ah kaasi oo musharixiinta kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka, kuwaasi oo uu jiro khilaaf ka jira sida loo wajahayo doorashooyinka dalka ka dhici doona.

Dowladda ayaa dhawaan ku dhawaaqday in doorashada ay qabsoomayso, iyadoo wali ay tagan tahay Cabashadii ay qabeen Misharixiinta eek u aaddanayd guddiga ka shaqeynaya doorashada.

Shirarka ay yeelanayaan midowga musharaxiinta ayaa maalmihii dambe isdaba jog noqday, iyagoo ka walaacsan xaalka doorashada SOomaaliya iyo inuu boob dhaco.