XOG: Fadeexad soo wajahday Dowladda Farmaajo & Shaqaalo reernimo lagu qoranayo

Heshiiska qeexaya lakabyada is dul saaran ee hannaanka geeddiga deynta cafiska Soomaaliya waxaa ku xusan in aan la geli karin heshiis aan waafaqsaneyn hannaankaas iyo habraacyadiisa, si loo adkeeyo (Somalia’s financial management system) waxaa reebbanaa in la qaato shaqaale rayid ah maadaama aysan jirin miisaaniyad iyo heshiis shaqaale cusub ku qaadan karto dowladda.

Ha yeeshee waxaa buray qodobbadaas kaddib markii dowladda ay qortay bishii December 2020-kii,  50 xubnood oo si gaar ah loo siiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe  shaqaalahaas laga qoray jufooninka Mahdi iyo Dubbe oo lagu wareegiyey systems-ka wasaaradda Warfaafinta.

Tallaabadan ayaa niyad jab xooggan ku ah hey’adaha IMF,  World Bank iyo boqolaalka

dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo sugeyaasha ahaa 4-ta sanno ee dhamaatay , kana shaqeenaayay Wasaaradaha Dowlada  kuwaas oo ka dhur sugayey deynta cafiska iyo halka uu ku dhammaado, waana musuq-maasuqii ugu weynaa ee ay dowlad gasho (the biggest corruption in government).

Dubbe iyo Mahdi Guuleed ayaa iyagana u muuqda ku u xusul duubaya xaqiijinta ergooyinkii u dooran lahaa Kuraasta BFS.