Xubno aan aqaano oo NISA ka tirsan ayaa ku jira Guddiyada” Ismaaciil Daahir Cusmaan”

Weli waxaa taagan dooda ku saabsan in Xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugida & Sidroonka Qaranka Soomaaliya ay ku jiraan gudiyada doorashooyinka ay soo magacaabeen dowladda Federaalka & dowlad Goboleedyada.

Musharixiinta Madaxweynaha & Xubnaha mucaaradka ayaa qaadacay Gudidyada, iyaga oo sheegay in Xubno ka tirsan NISA iyo Shaqaalaha dowladda lagu soo daray, isla markaana aan lagu kalsoonaan Karin.

Taliye kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabdsugida Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay in guddiyad ay ku jiraan xubno uu yaqaano oo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Radio Risaala ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay hadalkii uu shalay munaasabad ka dhaceysay Tiyaatarka Qaranka ka sheegay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka ee ahaa in doorashada Soomaaliya wareega 1aad lagu kala bixi doono si lamid ah doorashooyinkii ka dhacay, Galmudug, Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle.