Imaaraadka Carabta oo xayiraad kusoo rogay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Warbaahinta Imaaraadka Carabta qaarkood ayaa shaaciyay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay si kumeel gaar ah u joojisay inay dalku galka siiso 12 dal oo ay kamid tahay Soomaaliya

Go’aankaan ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto soo laba kacleynta uu sameeyay Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus oo dowladda Imaaraadka Carabta ay ka baqdin qabto in uu ku faafo.

Warbixinta laguma xusin waqtiga ay qaadan karto xayiraada dhinaca socdaalka ah oo ay imaaraadka carabta ka joojisay 12 dal oo ay Soomaaliya kamid tahay, hayeeshee lagu xusay in ilaa iyo amar-dambe ay sii jireyso.

Imaaraadka Carabta oo xiriir Ganacsi oo ballaaran la leh dalalka Carbeed qaarkood & Afrika ayaa feejignaan dheeri ah ka muujinaya Cudurka Coronavirus, waxaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu cudurka kusoo laba kacleeyay, waxana labadii todobaad ee la soo dhaafay la diiwaangeliyay 150 Kiis.