Madaxweyne Guudlaawe oo ku wajahan magaalada Baladweyne & Ujeedka

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu wadaa in uu dhawaan tago wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Cusub ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen markii ugu horreeysay tan & markii la doortay.

Maalinta berito oo khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa in wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Cali guudlaawe inay tagaan Magaalada Beledweyne, waxaana wafdiga hoggaamin doona Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa safarkiisa Beledweyne ku wehlin doona  Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi xakiiin Luqmaan, iyaga oo isbuuca soo aadan tagi doono Beledweyne.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in wafdiga Madaxweynaha Hir-Shabeelle ay kulamo la qaadan doonaan Maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha Dhaqanka & qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Beledweyne.