Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo durriyada Imaamnimo si rasmi ah ula wareegayo

Sida ay Shaaciye u xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow qoyska reer Imaam Cumar ayaa sheegaya in durriyada imaamnimo ee beesha Mudullood uu si rasmi ah ula wareegi doono Imaam Daahir Imaam Cumar oo ah wiilka uu dhalay Imaam Maxamuud.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in beesha durriyada Imaamnimada leh ay isla garteen in bilowga sanadka cusub ee 2021 uu si rasmi ah xilka ula wareegi doono Imaam Daahir Imaam Maxamuud.

Imaam Daahir oo ah dhal Imaam ayaa lagu caana shubay 20-kii bishii October ee lasoo dhaafay, wuxuuna saldanada kala wareegi doonaa adeerkii Imaam Maxamed Yusuf oo mudo toban sano ah saldana ku fadhiyay ahaana sii haye.

Bilihii u danbeeyay ayaa waxaa jiray muran iyo is qabqabsi la xariira saldanada Imaamnimada ee beesha Mudullood, iyadoo laba dhinac u kala jabeen beesha iska leh saldanada Imaamnimada iyo koox magacii dhaqanka dano siyaasadeed u adeegsaneysay, taasoo keentay inuu hoos u dhaco maqaamkii iyo sharafkii dhaqanka soo jireenka ahaa ee Ahlul Xal Wal Caqdi.