XOG: Farmaajo & Ugaaska Beesha Xawaadle oo Muqdisho ku yeeshay kulan Natiijo la’aan ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho ugu yeeray Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif si uu arrimaha maamulka Hirshabeelle ugala hadlo.

Ugaaska oo aqbalay casuumaadda madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkii hore soo gaaray magaalada Muqdisho,  Wuxuuna kulamo aan la shaacin la yeeshay madaxweyne farmaajo, iyagoo ka wada hadlay xaaladda maamul u sameynta gobolka Hiiraan iyo qorshaha Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ugaaska wax go’aan ah qaadin, balse uu sheegay inuu Muqdisho u yimid inuu dhageysto aragtida Madaxda Dowladda, ka dibna dib ula laaban doono, waxaana uu madaxweyne Farmaajo isku dayay inuu Ugaaska ku qanciyo taageerada dhismaha maamulka labaad ee Hirshabeelle in doorasho lagu tartamo ka dhacdo magaalada Jowhar.

Sidoo kale, Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo ah musharax madaxweyne, wuxuuna Ugaaska sheegay inuu kala hadlay arrimaha Hirshabeelle, balse wax go’aan ah gaarin.

Magaalada Muqdisho madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo wali isla jaangoynin habraaca doorasho ee maamulkaas.