Taliyihii Ciidanka Kumaandooska DANAB oo xilkii laga qaaday & Mid Cusub oo la Magacabay

Waxaa xilkii laga qaaday Taliyihii  guutada 16aad ee kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil  Cabdimalik Maalin, kaas oo la sheegay in muddo bil ka badan ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, iyada oo usan heyn wax Shaqo ah.

Taliye Cusub ayaa loo Magacaabay Guutada 16 aad Kumandooska Danab, kaas oo lagu Magacaabo Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur {beeryare} oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya xilal kala duwana soo qabtay.

Taliyihii xilka laga qaaday ee guutada 16aad kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil  Cabdimalik Maalin ayaa muddo bil ah Shaqeyn, waxaana Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah Ehellada Gaashaanle Cabdi Maalik uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Shaqada ka joojiyay, isla markaana la doonayo in la geeyo Xabsiga dhexe si shirqool loogu dilo.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa aad looga hadal haayay Baraha Bulshada Shaqa joojinta Taliyihii  guutada 16aad ee kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil  Cabdimalik Maalin, iyada oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Afrika ee (AFRICOM) ay Garoonka diyaaradaha muqdisho kula kulmeen Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo kala hadlay sababta Shaqa joojinta loogu sameeyay Taliyaha maadaama Ciidanka DANAB ay mushaar iyo saanadba uu siiyo Mareykanka.

Taliyihii  guutada 16aad ee kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil  Cabdimalik Maalin ee xilka laga qaaday ayaa waxaa Ciidanka uu hoggaaminayo ee DANAB ay howlgallo ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, iyaga oo Al-Shabaab kala wareegay degaano dhowr ah.

Hoos Ka Akhriso Taariikhda Taliyaha Cusub ee guutada 16aad ee kumandooska Danab Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur {beeryare}.

Taliyaha Cusub ee Guutada 16 aad Kumandooska Danab Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur {beeryare} waxa uu ku dhashay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ee badhtamaha dalkeena somaliya sanadkii 1988 Waxa uu ku soo barbaaray  waxbarashadiisana ku qaatay dhusamareeb sida Dugsiga, hoose, dhexe iyo sare,iyo  kitaabada cilimiga Diiniga ,Axaadiista iyo Axkaamta   waxa Uuna  ciidanka xoogga dalka ku soo biiray 2008 waxa uu  ka soo qayb qaatay Dagaalo laga xoraynaayey nabadiidka degaano ka mida dalkeena somaliya, Sanadii 2013 waxa uu ka mid noqday ciidankii dib lagu asaasay ciidan ka kumandooska Danab ee xoogga dalka waxana uuna ka soo qabtay xilal kala duwan sida Taliye Koox, Taliye Hurin Taliye Saadka, waxa uu waxbarsho heer jamacadeeda u aday Dalka Uganda isagoo halka ku soo diyaariyey waxbarashada heer jamacadeed Dhinaca ciidanka waxa uu tobobaro ku soo qaatay wadamada kala Itoobiya, Turkiga iyo Maraykanka.waxa u ahaa  Abanduulaha Guutada 16 aad Ciidan ka Kumandooska danab iyadoo hada loo magacaabay Taliyaha Guutada 16 aad ee Ciidan ka Kumandooska Danab