XOG: Farmaajo, Mursal & Rooble oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Villa Somalia

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirar is daba joog ah xalay ku yeeshay Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in shirarkan ay ahaayeen kuwo looga hadlayay magacaabida Golaha Wasiiradda oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in tiro labo jeer uu xalay Guddoomiye Mursal tagay Madaxtooyada, looguna yeeray wadatashi, waxaa la sheegayaa in Guddoomiye Mursal uu miiska saaray xubno uu doonayo in Golaha Wasiiradda loogu daro.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo gole wasiiro oo badankood ay yihiin xildhibaano ka mid ah golaha shacabka,waana sababta keentay in la tashiyo muhiim ah uu la qaato guddoomiyaha baarlamaanka.

Golaha Wasiirada ee la soo magacaabayo ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa ka soo muuqdan doono xubno siyaasadda ku cusub oo saaxiib dhow la ah Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.